Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay magaalada Belexaawo ee Gobolka Gedo.
Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka yimid dhanka degmada Luuq ay xalay la wareegeen magaaalada Beledxaaeo.
Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale la sheegay inuu shalay gaaray magaalada Belexaawo, sida ay tabiyeen warbaahinta madaxa bannaan.
Ma jirto ilo madax- bannaan oo xaqiijiyay joogitaanka Cabdirashiid Janan ee Beledxaawo.
“Ciidamada Dowladda waan soo dhaweyneynaa,dadkana waxaan u sheegaya in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay xuduudaha badda, dhula iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeyaa, Dowladda Federaalka heshiiskii aan lasoo galay ayaa difaacayaa oo aan ku shqeynayaa”, sidaas waxaa u sheegay Idaacadda BBC Somali Cabdsiis Xareed oo ah gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee dhanka Dowladda,
La ma oga halka uu hadda uga sugan Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan iyo tirada ay la eg yihiin ciidanka taabacsan isaga.
Cabdirashiid Janan ayaa 28 bishii hore ka baxsaday xabsi guri uu ku jiray oo ku yaalla magalaada Muqdisho, waxaana uu Beldexawo ka galay dhanka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
War qoraal ah oo shalay ka soo baxay taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu weydiistay Booliiska Caalamiga ah ee Interpol in ay soo qabtaan Cabdirashiid Janan.
Xiriirka dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu ka tirsan Cabdirashiid Janan iyo kan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid aan wanaagsanayn oo ka sii daraya.

























