Ciidamada Ciraaq oo si buuxda ula wareegay gobalka Kirkuk

749
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-10-20 09:56:45Z | https://piczard.com | https://codecarvings.com

Ciidamada Ciraaq ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan dhammaan gobolka Kirkuk kadib dagaal xooggan oo ka dhan ah ciidamada Kurdish Peshmerga.

Ciidanka ayaa sheegay in ay qabsadeen magaalada ugu dambeysay ee Altun Kupri, oo u dhow Erbil, iyada oo gacan ka helaaya shiicada ka dib dagaal socday Muddo saddex saacadood ah.

Maleeshiyada raacsan waqooyiga Kirkuk ayaa dagaal culus la galay ciidamada Ciraaq, halka ciidamada Ciraaq ay isku dayayaan in ay u riixaan Peshmerga dhinaca dambe ee Erbil.

Dagaalku wuxuu ku sii socday agagaarka Altun Kupri, oo qiyaastii 40 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Kirkuk, waddada Erbil-Kerkuk.

Raiisal wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa amar ku siiyay ciidanka in aysan galin xadka magaalada Erbil, isaga oo sheegay in ay ilaalinayaan dadka rayidka ah iyo hantidooda.

SHARE