CIA-da Mareykanka oo sheegtay in dhaxal sugaha Sacuudiga uu bixiyay amarka lagu dilay Jamal Khashoggi

524
CIA Mareykanka ayaa soo gabagabeysay in dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu khaarijiyay Weriyihii Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi. Sawirka: Reuters

Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa ku dhawaaqday in dhaxal sugaha Sacuudiga Boqorka Maxamed bin Salmaan uu amar ku bixiyay dilkii saxafiga Jamal Khashoggi ee bishii hore loogu gaystay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul, warbaahinta Mareykanka ayaa werisay jimcihii, taasoo muujineysa inay ka hor imaanayso sheegashada xukuumadda Sacuudiga ee ahayd in uusan ku lug lahayn.

Sida laga soo xigtay wargeyska Washington, oo markii ugu horreysay soo bandhigay go’aanka CIA-da, saraakiisha Mareykanku waxay muujiyeen kalsooni aad u sarreeya qiimaynta CIA-da, taas oo ah tan ugu caansan taariikhda la xiriirta bin Salmaan ee dilka iyo in uu sii adkeeyo dadaalka madaxweyne Donald Trump si uu u ilaaliyo xiriirka mid ka mid ah kuwa ugu dhow Mareykanka ee uu ku leeyahay gobolka.

Wargeyska Washington Post iyo wakaaladda Associated Press ayaa labaduba waxay soo xigteen saraakiil aan la magacaabin oo wax ka og gabagabada baaritaanka CIA-da.

Koox ka kooban 15 wakiil oo Sucuudi ah ayaa u duulay magaalada Istanbul bishii October waxayna ku dileen Khashoggi gudaha qunsuliyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka soo qaadanayay dukumintiyo uu doonayay inuu guursado tab Turkiga.

CIA-da ayaa baartay ilo badan oo sirdoon ah, oo ay ka mid tahay wicitaan taleefan oo ah in walaalka dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan amiirka Khalid bin Salman, Safiirka Sacuudiga ee Mareykanka, ayaa la hadlay Jamal Khashoggi, sida ay sheegeen dadka ogyahay arrintaan. Khalid ayaa u sheegay Khashoggi, oo ah wariye u shaqeynayay wargeyska Washington Post, in uu tago qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul si uu dib ugu soo ceshado dukumiintiyada u baahnaa, isaga oo u xaqiijiyay in uu ammaan yahay.

Warbixinta ayaa sheegtay in aysan caddeyn inuu Khalid ogaa in la dili doono iyo in kale Jamal Khashoggi.

Wasaaradda arrimaha dibedda iyo CIA-da ayaa ka gaabsaday in ay faallo ka bixiyaan.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo booqasho ku joogay jasiirada Papua New Guinea, ayaa sheegay in uusan hadda ka hadli karin warbixinta CIA-da.

SHARE