Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixinta lagu daabacay Wargeyska New York Times taasi oo dowladda Qatar la xiriirisay in ay ku lug leedahay qarax bishii May ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siinayay Idaacadda VOA Somali ayaa sheegay in dowladda Qatar ay u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn edeeynya laguu soo jeediyay warbixinta Wargeyska New York Times.
” dowladda Qatar waxa ay ka soo saartay war qoraal ah oo ay na soo gaarsiisay oo ay noo sheegayso in aysan waxaas ka suurtoobin, aysana samayn karin annaguna waan ku qanacnay warkaasi.”
Wasiir Cawad ayaa sheegay in dowladda Qatar ay la wadaagtay war uu soo saaray xaafiiska Warfaafinta dowladda Qatar iyadoo la raacayo dariiqa diblomaasiyada.
Waxa uu sheegay in qoraalka dowladda Qatar uu Keenay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya taasi oo uu sheegay inuu u caddeyay in aysan wax lug ah ku lahayn eedeynta Wargeysku daabacay, dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qanacday sharaxadii uu ka bixiyay eedeynta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali wax jawaab ah ka bixin warbixinta lagu daabacay wargeyska New York Times taasi ku eedeynaysa dowladda Qatar in ay ku lug leedahay weerar qarax iyo dilal ka dhacay magaalada Boosaaso sanadkii horw iyo sanadkaan.
Warbixinta Wargeysa ayaa sheegtay in sheeko khadka telefanka ku dhexmartay Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xassan bin Xamza iyo nin ganacsada ah ay muujinayso in ay ka hadlayeen weerar qarax iyo dilal kale oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari kuwaasi oo la beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda dekedda Boosaaso maamusha ee Imaaraadka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii dowladdaha Khaliijka ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen Qatar sanadkii 2017ka ku dhawaaqay in ay mowqifka dhexdhaadnimo ka qaadatay khilaafka dowladdaha Carabta iyo Qatar, iyadoo wixii taasi ka dambeeyay madaxda dowladda ay dhawr jeer booqasho ku tageen dalka Qatar.

























