Casharadda laga baran karo booqashadii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho – UM

2630

Muqdisho (UM) – Booqashadii todobaadkaan ee raisul wasaaraha Itoobiya ayay dawladdu u muujisay mid taariikhi ah iyada  oo dowladdu ay isku dayeyso in ay soo afjarto Ramadaan oo ay astaan u noqotay waddo xirid, shacab careysan iyo dilalka ay ku beegsadaan Al-shabaab shaqaalaha dowladda iyo shaqsiyaad kale oo kordhay.

Booqashadda Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa aheyd mid aad loo qariyay ilaa u kasoo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo la socday diyaarad waddankiisu leeyahay.

Booqashadaan waxaa kasoo baxay hadaladii wan wanaagsanaa ee ay horay uga daaleen shacabka Soomaaliyeed. Iskaashi ganacsi, mid ammni iyo waxyaabo kale ayaa lagu qoray war murtiyeed si degdeg ah lagu qoray.

Waayo arag indha indheeyay booqashadii ayaa durbadiiba arkay agaasin xummada, isku xirnan la,aanta iyo xirnaashaha magaalada oo gabi ahaanba la xiray habeenkii ka horreeyay Maalinimiadii Ciidda.

Sida caadiga ahba dowladda Soomaaliya waxaa jira cashiro badan oo ay ka baran karto booqashada Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Cashirka koowaad: Joog dalka aad martidda u tahay illaa inta aad ka gaareyso danta aad u timid

Booqashada Ra’iisul wasaare Abiy Axmed waa ay ka yareed hal maalin waxa uuna ku guuleystay waxa uu u yimid. Inta booqashooyinka dibadda ee madaxda xitaa haddii ay tahay waddan daris ah waxay qaadataa labo ama saddex maalmood. Maxay tahay sababta ay intaas u qaadaneyso miyeysan madaxdu waddamo kasoo tagin iyaga talo ka sugaya?. Haddii booqashooyinka rasmiga ah aad loo diyaariyo oo si fiican loo agaasimo waxaa lagu soo koobi karaa hal maalin. Ha yeeshee dhibta ugu badan ee taas diideysa ayaa ah in madaxdeena ay la socdaan wafdi aad u tiro badan oo aan wax shaqo ah ku laheyn booqashooyinka, laakiin u baxa in ay soo dukaameystaan ama qaraabo iyo asxaab soo salaamaan xiliyadda booqashoyinka rasmiga ah ugu baxaan dalalka kale ee caalamk, taas oo waqti badan qaadata. Waana in dhaqanka nuucaas lasoo afjaraa.

Cashirka labaad: Tixgalli wasaaradda Arrimaha Dibadda

Booqashada rasmiga ah ee Abiy Axmed waxay bannaanka keentay isku dhex yaaca iyo is-aamin la,aanta ka dhex jirta Soomaaliya. Intii ay ku sugi lahaayeen xafiisyadooda Ra’isul wasaaraha martidda ah sida madaxda kale oo ay booqaan madaxwenaha iyo R’aiisul wasaaraha waxay aadeen garoonka diyaaradaha iyaga oo ay wehliyaan wasiirro. Wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamuska qarankaba waxaa  gacan dhaafay koox raadineysay fursad sawirro ay ku galaan.

Tani waa ceeb qaran ah oo aan Itoobiya ka dhici laheyn. Maxaa yeelay Raiisul wasaaraha Itoobiya waxa uu xushmeeyaa wasaaradiisa arrimaha dibadda iyo kooxda hab maamus qaranka u qaabilsan kuwaas oo madaxda kasoo qaada gegidda diyaaraadaha, meel dajiya, kaddibna Ra’iisul wasaaraha ugu geeya xafiiskiisa marka la gaaro xilliga ballanta. Raiisul wasaaraha Itoobiya waxa uu ogyahay in uu jiro waddan isaga talo iyo badbaadin ka sugaya, si ka duwan madaxweyne Farmaajo iyo Raisul wasaare Kheyre.

Dowladda Itoobiya waxa kale oo ay ogtahay in maamuus dowladeed aysan aheyn in mar labaad la qabto shir jaraa’id, iyadda oo labadda mas’uul ay horrey shir jaraa’id u qabteen. Waxaa kale oon hab maamuska dowladeed ku wanaagsaneyn in madaxweynuhu uu su’aalo la xiriira waxa aan xiriir la laheyn war murtiyeedka uga jawaabo saxafiyiinta, waxay ahayd inaan marnaba loo ogolaan wax ka baxsan wixii war-murtiyeedka lagu sheegay.

Si kasta waxay ahayd in wasaaradda arrimaha dibadda ay ka warbixiso wixii ku saabsan heshiis labo dowladood, halkii ay ka hadli laheyd waaxda warfaafinta madaxtooyada oon shaqo ku laheyn wixii xiriir la leh heshiis iyo iskaashi oo u baahan sharaxaadda khuburadda dhanka xiriirka caalamiga ah.

Cashirka saddaxaad: Magaalada ha xanibin

Magaalada Muqdisho ayaa gabi ahaanba la xiray intii lagu guda jiray booqashadii Raiisul wasaare Abiy Axmed. Sidee magaalo u eg meel laga guuray ay ugu muujinee hoggamiye booqasho ku jooga dalka hormar la gaaray? Waa dhab in amni darro jirto, sidaa darteed maxaa kaliya loou xiri waayay waddada uu wafdigu marayo. Magaalada Addis Ababa marnaba looma xirayo hoggamiye Soomaaliyeed oo booqanaya, sababtoo ah dowladda Itoobiya waxay fahansantahay khasaaraha dhaqaale ee ka dhalan karta.

Cashirka afaraad: Dabagal heshiisyadi hore

Qodobada heshiiska inta badan waa ay ka horreeyeen dowlada hadda jirta. Dhammaan heshiisyada la xiriira iskaashiga waa kuwo horay u jiray oo ay gashay dawladdii hore. Waxa dowladdaan ka dhigaya mid ka duwan kuwii hore waa in ay fuliso waxyaabihii horay loogu heshiiyay.

Hal sanno iyo bar oo dowladani ay xafiiska ay joogtay waxa ay u muuqataa in aysan wali kasoo gudbin ololihii doorashadda oo aysan u gudbin in ay si xawaare dheereeya leh wax u hoggaamiso.

Inkast oo ay jiraan himilooyin iyo qorshayaal ku aadan in la meel mariyo sharciyo aad loogu hanweynayahay, haddana waxaa muuqata in madaxdeenu aysan waqti u heyn arrimahaas oo waqti iyo fursad u hayaan in ay gegida diyaaraddaha  tubtaan oo madax shisheeye soo dhaweeynaan iyada oo dadka ay metelaanna nolol maalmeedkoodi hakad la galiyay markii ay waayeen meel ay maraan.

Tani ma ahan Nabaddii Iyo Noloshii ay dadka filayeen amaba ay u qalmeen.