Canada oo dhalashada kala noqotay Hoggaamiyaha dalka Myanmar 

653
Hogaamiyaha rayid dalka Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa noqonaysa qofkii ugu horreyay ee dhalashada Canada lagala noqdo. Sawirka: AP

Baarlamaanka dalka Canada ayaa si rasmi uga xayuubiyay dhalashada Canada Hoggaamiyaha rayidka ee dalka Myanmar Aung San Suu Kyi iyadoo lagu eedeynayo in ay wax ka qaban wasay ama ay taageertay xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Suu Kyi ayaa noqonaysa qofkii ugu horreyay oo dhalashad Canada laga laabto.

Aqalka Senat-ka Canada ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in dhalashada lala noqdo Suu Kyi, hoggaamiyaha rayid ee Myanmar, taasi oo la siiyay sanadkii 2007 iyadoo lagu sharfay.

Qaramada Midoobay ayaa baaritaan xaqiiqa raadini ah oo ay samaysay bishii hore ku sheegtay militariga Mynamar aya dileen kumanaan rayid ah oo Muslimiinta Rohingya ah, boqalal xaafada sidoo kalena ay ku la kaceen falal kufsi iyo barakacin ah.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxa ay ku baaqday in la baaro janaraalada sare Sare maxkamadna la soo taago.