Cameroon: Paul Biya oo markale ku guulaystay doorashada madaxtinimada

756
Madaxweyne Paul Biya ayaa xukunka haya ilaa 1982 waa xilligii 7aad oo jagada Madaxweyne loo doortay. Sawirka: Reuters

Madaxeynaha tallada haya ee dalka Cameroon Paul Biya, ayaa si fudud ugu guulaystay markii toddobaad doorashada madaxtinimada dalkaas.

Madaxweyne Biya ayaa boqolkiiba 71.3 helay coddeynta Oktoobar 7 dhacday, halka hoggaamiyaha mucaaradka Maurice Kamto ka helay 14.2 boqolkiiba, sida uu shaaciyay guddiga golaha dastuurka.

Golaha dastuurka, kuwaasi oo horrey u magacaabay Madaxweyne Biya, ayaa in dhammaan sheego sharci ah oo ku saabsan doorashada iyagoo ku tilmaamay doorashada si xor ah iyo cadddaalad ah u dhacday.

Magaalooyinka waa wayn ayaa ka geeyay ciidamo badan iyadoo dowladdu ay mamnuucday dhammaan isu soo baxyada mucaaradka.

Doorashadii dhacday 7 bisha Oktoobar ayaa isu soo baxeddu aad yara gaar ahaan gobolada looga hadlo afka English-ka kaddib markii in ka badan 200,000 oo qof ay ka qaxeen dagaalka u dhexeeya jabhada gooni goosadka ah ee Anglophone iyo ciidamada dowladda.

Madaxweyne Paul Biya oo ah Hoggaamiyaha ugu da’da wayn Afrika ayaa labadq gobolba ka helay 75 boqolkiiba codadka la dhiibtay.