Muqdisho – Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabelle kaddib doorasho ka dhacday maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Cali Guudlaawe u doortay Madaxweynaha cusub Hirshabelle ee 4 sanno ee socota. Cali Guudlaawe ayaa hore u soo noqoday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Madaxweynaha la doortay ayaa helay 86 cod halka musharaxii la tartamayay uu helay 13 cod sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.
Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sidoo kale loo doortay Madaxweyne ku xigeen Maamulka Hirshabeelle isagoo helay codad gaaraya 87 sida ay shaaciyeen Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle. Yuusuf Dabageed ayaa xalliyo iyo waqtiyo kale duwan xilal ka soo qabtay Gobolka Hiiraan. Waxa uu dhawr jeer soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa.
Madaxda Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle loo doortay iyo ku xigeeenkiisa.