Cali Cabdalla Saalax oo la la’yahay

1203

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay xaaladda Madaxwaynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, ka dib markii dad magaalada Sanca ay sheegeen in kooxda xuuthiyiinta  ay duqeeyeen Guddiga magaalada Sanca uu ka deganaa Mr.Saalax.

Warbaahinta kooxda xuuthiyiinta ayaa Ku waramay in ay dileen Madaxwaynihii hore ee dalkaasi ka dib duqaynta gurigiisa ay u gaysteen.

Ilaa iyo hadda lama hayo war lagu Kalisoon yahay oo xaqiijinaya Geerida  Cali Cabdalla Saalax ama nolal.

Xisbiga Cali Cabdalla Saalax ayaa beeniyay wararka warbaahinta kooxda xuuthiyiinta oo sheegaya in uu dhintay Saalax.

Waxaa ay sheegayaan in wararkaasi ay yihiin kuwo ay soo dhoodhoobeen warbaahinta Iiraan ay taageerto ee xuuthiyiinta.

Warbaahinta dalalka Carabta ayaa sheegaya in duquqaynta xuuthiyiinta ay u gaysteen guriga Cali Cabdalla Saalax uu Ku geeriyooday madaxa ciidamada ilaalada Saalax.

Cali Cabdalla Saalax, ayaa dalka Yemen ka talinayay muddo ka badan 33 sano ka hor inta aanu qaadin daadkii gugii Carabta.