Caleema saarka Axmed Madoobe oo dib loo dhigay

544
Ahmed Madobe won last month's Jubbaland State disputed leadership election which the Federal government declared as null and void.

War qoraal oo ka soo baxay xafiiska agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in xafladdii caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo lagu waday in ay dhacdo maalinta berri ah oo ku began 26 September dib loo dhigay kaddib sida warqadda lagu sheegay markii ay dawladda Federaalka ka hor istaagtay madaxdii lagu casuumay ka soo qaybgalka xafladda caleema saarka.

Warka qoraalka ah ayaa waxa kale oo lagu sheegay in muddo kooban dib loo dhigay iyada oon la shaacin marka la  qaban doono. Jubbaland ayaa dawladda dhexe ku eedeysay in ay si sharcidarro ah madax hore, siyaasiyiin iyo marti kale  uga joojisay ka qaybgalka munaasabadda caleema saarka .

Qoraalka ayaa waxa kale oo dowladda lagu eedeeyay in ay ciqaab wadareed  iyo xayitraad ku sameysay shacabka Jubbaland waa sida qoraalka loo dhigay.

Dib u dhigista Jubbaland ayaa imaaneysa iyada oo   ay wali taagantahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hor istaag uu sheegay Madaxweynihii hore ee dawladda kumeel gaarka ah Sheekh   in lagu sameeyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo.

Hoggaanka duulista Soomaaliya ayaa beeniyay in xayiraad lagu soo rogay duulimaadyada aada iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo.