Madaxweynaha dalka Ivory Coast allasana Outara ayaa shaaciyay isniintii cafis loo fidiyay 800 oo qof kuwaas oo ay ku jirto marwada madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo
Marwada madaxweynihii hore Simone Gbagbo ayaa lagu xukumay labaatan sano oo xariga kaddib markii lagu eedeeyay in ay khatar galisay amniga waddanka Ivory Coast oo xilligaas galay xaalad dagaal.
Simone Gbagbo ayaa madaxweyne Allasana Outara sheegay in xabsiga la sii deyn doono . Dhanka kale madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa ku xiran maxkamadda danbiyada dagaalka ee dalka Holland iyada oo loo heysto danbiyo ka dhan ah bini aadamanimada.
Dadkii iyagana cafiska loo fidiyay waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo wasiirkii dib u dhiska oo ku kala xukunkaa 20 sano iyo afar sano oo ku xukunaa wasiirkii dib u dhiska.