Cadaado oo noqonaysa xarunta Baarlamaanka dowlad Gobolleedka Galmudug

934

Muqdisho (UM) – Magaalada Cadaado ayaa noqonaysa xarunta Baarlamaanka dowlad Gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa sheegay mar uu saakay ku laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in xal laga gaaray tabashadii odayaasha Cadaado ay ka keeneen heshiiskii Ahlu Sunna Waljameeca iyo Maamul Galmudug ay sanadkii hore kula saxiixdeen magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in la xaliyay tabashadii odayaasha iyo siyaasiyiinta Cadaado ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ayna Cadaado noqon doonto xarunta Baarlamaanka dowlad Gobolleedka Galmudug.
Madaxweynaha dowlad Federaalka ayaa maalmahan ku sugnaa deegaanada Galmudug si u xaliyo khilaafyada iyo cabashooyinka siyaasadeed ee deeganadaasi ka jira.