Cabdiraxmaan C/shakuur oo maxkamad lasoo taagay

1170

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame  oo Hay’adaha  dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen   ayaa maanta oo Tallaado ah waxaa la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ehelada C/raxmaan Cabdishakuur iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Maxkamadda loo geeyay ayaa lagu sheegay, iyadoo ay dhammaatay muddada 48-saac ee ah in qofka Muwaadinka eedeysanaha ah  lagu horgeeyo Maxkamad, sida Sharciga uu qabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Aweys Sheekh Cabdullaahi, ayaa maxkamadda  ka sheegay ineysan muuqan eedo lagu qanci karo oo ay soo bandhigeen Xeer ilaalinta soo eedeysay Siyaasigan.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa markii danbe dalbatay in la siiyo 5 maalin oo dheeraad ah si ay ku keenaan Cadeymaha loo heysto Siyaasigan, Sidoo kalena la siiyo warqad ogolaansho ah oo ay ku sii heysan karaan Warsame.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi ayaa diiday inuu aqbalo dalabka Xeer ilaalinta, wuxuuna usoo jeediyay iney maalinta beri ah keenaan Cadeymo dhameystiran oo eedaha la xiriira.

Waxa uu Gudoomiyaha ku goodiyay in hadaan Cadeymahaa lagu keenin 24-kaa saacadood la sii deynayo Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, danbiyana lagu soo oogayo Xeer ilaalinta iyo Saraakiisha soo xiratay Siyaasigan.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur.