Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mar kale Maxkamad la soo taagayo

1283

Magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa lagu wadaa inay  ka dhacdo  Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasi oo loo balansanaa inay  shalay galab ay ka dhacdo Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi ayaa mudo 24-saac oo ka bilaabaneysay shalay subax u qabtay Xeer Ilaalinta inay ku keento caddeymo eedeymaha lagu soo oogay.

Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur in maanta oo Khamiis ah ay dhici doonto.

C/raxmaan C/shakuur, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.