Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga mamnuucay inuu dalka ka baxo

928
Cabdiraxmaan Cabdishakuur sawirka/Google

Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir ayaa ka hortimid go’aankii uu garsooraha maxkamadda Gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamadda oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aamisay in xeer ilaalinta Qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa Mr Cabdiraxmaan.

Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto, waxaana ay sheegtay in safar dhanka dibadda ah  uusan u bixi karin.

Dhanka kale, waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay 8 qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno diifacayay ayaa midkoodna uusan soo xaadirin fadhigii Maxkamadda ee manta, iyadoo aan saxaafadda loo ogoleyn.