Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku gacan seyray go’aankii maxkamadda racfaanka G/ Banaadir

1169
Cabdiraxmaan Cabdishakuur sawirka/Google
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku gacanseyray go’aano ka soo baxay maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir maanta oo ay ku jirtay in uusan dalka ka bixin.Isla markaasna lagu laalay xukunkii maxkamadda Gobolka Banaadir oo aheyd in uusan wax danbi ah laheyn.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in go’aanka uusan ku qotomin sharciga oo uu yahay mid ay gadaal ka riixeeyso siyaasad.Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aysan jirin wax danbi ah oo loo heeysto.
Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay go,aamo ay ka mid yihiin in dib loo fasaxay xeer ilaalinta in ay baaris ku sameeyso dacawdda ka dhanka ah  Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana lagu xukumay in uusan waddanka ka bixi karin.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto dacwadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur.