Muqdisho – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray xilkii uga qaaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janaan). Xilka qaadista Janan ayaa iimaanaysa iyadoo maalmahaan uu wadahadal u socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Cabdirashiid Janaan.
Wadahadallada u dhexeeya Cabdirashiid Janaan iyo Dowladdda Federaalka oo gabagabo ku dhaw ayaa la filaa inuu heshiis la gaaro dowladda uuna isaga iyo ciidanka uu wato ku soo biiraan dowladda Federaalka.
Maamulka Jubbaland oo Khilaaf kala dhexeeyo dowladda Dhexe ee Federaalka ayaa la sheegay in ay ka carootay heshiis Cabdirashiid Janaan uu la gaaray dowladda Dhexe si uu ugu biiro.
Sidoo kale waxaa goordhawayd gaaray magaalada Doolow ee Gobolka Gedo wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hogaaminayo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Alcadaala oo ay weheliyaan saraakiil kale.