Cabdiquwi Yusuf oo mar kale loo doortay Xaakimyada Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramadda Midoobay

999

Xaakim Cabdiquwi Axmed Yusuf ayaa mar kale loo doortey in uu kamid noqdo Xaakimyada Maxkamadda Cadaaladda ee caalamiga ah ICJ ee fadhigeedu yahay The Hague ee dalka Holland.

Warkan oo ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobey ee New York oo maxkamadda caalamiga ah hoostagto ayaa lagu sheegay in Cabdiquwi uu kamid noqonayo Xaakimyada cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah oo 10 sanoba hal mar la doorto.

Cabdiquwi Axmed ayaa 9kii sano ee la soo dhaafey kamid ahaa Xaakimiinta Maxkamadda Caalamiga ah ICJ, waxaana uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda.

Golaha Mackamadda caalamiga ah ayaa ka kooban 15 xaakim, kuwaas oo iska dhex doorta Madaxweyne iyo ku-xigeen.

Inta badan dalalka Yurub iyo Afrika ahyaa u codeeyay Abdulqawi in mar kale loo doorto Maxkamadda Cadaaladda ee (ICJ) iyadoo uu xilkan heyn doono sagaal sanno oo uga bilaabmeysa marka la doortay.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxaa horyaala kiiska dacwada muranka xuduudka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.