Cabdicasiis Laftagareen oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed

811

Muqdisho (UM) – Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya doorashadii hoggaanka Koonfur Galbeed ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa helay 101 cod halka Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ahaa musharaxa labaad ee ugu codadka badanaa uu helay 22 cod soda ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa oo xilka loogu dhaariyay isla goobta ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada doortay iyo Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in Xildhibaannada Koonfur Galbeed ay doorteen Madaxweyne daacad ah oo dalka iyo dadka Koonfur Galbeed u adeegi doono, sidoo kale uu ka filayo in ay la shaqeeyaan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ahayd mid muran iyo qalaalse siyaasadeed dhalisay kaddib markii 13kii bishaan magaalada Baydhabo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo xirtay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta ugu cacadaa doorashada Koonfur Galbeed ee maanta dhacday.