Cabdi Xaashi: Madaxweyne Farmaajo ma aqoonsana nidaamka Federaalka iyo Aqalka Sare

65

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir ku qabatay maanta magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo ku eedeeyay inuusan Madaxweynuhu aqoonsanayn kaalinta iyo awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Aqalla Sare.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay inuu ka xunyahay in uusan Aqalka Sare ka qeybgalayn shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee looga arrinsanayo khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsanayn nidaamka Federaalka iyo sidoo kale uusan fahamsanayn in Soomaliland meesha ka maqan tahay, oo waddan mid ah uu Madaxweyne u yahay.

” Waxaan ka xumahay muddaas uu jiray Aqalka Sare in Madaxweynuhu inuuna aqoonsan waajibaadka Dastuurku siiyay Aqalka Sare oo ah metalaha dowlad Goboleedyada.  Waxay caddeynaysaa oo kale Madaxweynuha in uusan Aqoonsanayn nidaamka la qaatay ee Federaalka” . Ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubno uu hoggaaminayo ayaan lagu caasuumin in ay ka qeybgaleen shir Dhuusamareeb iyada ee lagu gorfeynayo arrimaha Doorashooyinka iyo Khilaafaadka ka dhexjira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

SHARE