Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay weerar sanadkii hore dhamaadkiisa lagu qaaday hooygiisa ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in arrintan aanay kaligiis qatar ku ahaan karin ee sidoo kale ay ku tahay cid walbo oo kamid ah madaxda dowladda Federaalka ah.
Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday hoygiisa lagu damacsanaa in isaga lagu dilo, balse uu Alle badbaadiyey.
Weerarkaasi ayuu sheegay iney ku reebtay murugo aad u xooggan iyo sidoo kale argagax ku beermay qoyskiisa.
Labada gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday in arrintan guddi u saaraan, si looga badbaado qatar kale oo timaada.
“…Welina aan dareensanahay iney jiri karto qatar igu wajahan iyo qoyskeygaba, qof kasta oo madaxda qarankana ay ku imaan karto, dowladda Federaalkana xil ka saaran yahay dhowrista amniga iyo xasiloonida dhammaan shacbka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaan ka codsanayaa xubnaha baarlamaanka federaalka oo ka kooban Labada aqal iyo guddoonkooda iney guddi u saaraan goleyaasha si ay usoo hordhigaan arrintaan horseedi karta qatar ku wajahan jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed, maadaama ay caddahay iney jirto farogelin shisheeye ee keeni karta burbur iyo xasilooni darro” ayuui yiri Qeybdiid.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo askar iyo saraakiil u xirtay weerarkii lagu qaaday hoyga Qeybdiid ayaan wax jawaab ah kasoo saarin baaritaankooda.