Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo dhawaan laga oo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa, oo mudo ku dhaw hal sanno uu ku xirnaa ayaa gaaray magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.
Boqolaal qof, oo ay kamid ahaayeen Mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabatey Kenya, sida Faarax Macalin iyo Xildhibaano kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-qaatey soo dhaweynta Qalbi-Dhagax.
Qalbi Dhagax oo kasoo duulay Garoonka diyaaradaha ee Bole airport ee Addis Ababa ayaa xalay fiidkii ka dagay Jommo Kenyatta Airport ee Nairobi halkaasi ay ku soo dhaweyeen dadweyne qiireysan.
Arrinta xusida mudan ayaa ah in Qalbi Dhagax uu ka soo dhoofay qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo ah halka Madaxda ka dhoofaan.
Dadweynaha ka qeyb qaadanayay soo dhoweynta Qalbi Dhagax oo gaarayay boqolaal ruux ayaa watay sawirkiisa, calanka Soomaaliya, waxaana dadka maanta gelinkii hore lagu soo bixiyay cod baahiyeyaal loogu sheegay inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta Qalbi Dhagax
Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay aad uga dhiidhiyey tallaabada lagu dhibay Qalbi Dhagax ku dhawaad muddo sannad ah ka hor.
