Burundi oo diiday qorshaha ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya

436

Militariga dalka Burundi ayaa axaddii sheegay in ay ka diideen qorshe Midowga Afkrika soo jeediyay oo ciidanksa Burundi ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya looga dhimayo 1000 askar ugu dambeeyn 28 bisha February ee sanadka cusub.

Afhayeenka ciidanka Burundi oo war saxaafadeed ka soo saaray ayaa sheegay in ay weydiisteen dowladda Burundi in ay codsato in tiro isla eg laga dhimo ciidamada kala duwan ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo aan kaliya lagu koobin dalka Burundi.

Burundi waa dalka labaad ee ciidanka ugu badan ay ka joogaan dalka Soomaaliya oo waxa kaliya ka horreeeya Uganda oo ay ka joogaan 6200 oo askari halka Burundina ay ka joogaan 5400 oo askari.

Midowga Afrika ayaa ku jira qorshe ay ku dhimayaan ciidanka ka jooga Soomaaliya, iyada oo lagu wado in ammaanka Soomaaliya ay la wareegaan ciidanka Soomaaliya sida uu qabo qorshaha kala guurka.

Ciidanka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya la keenay sannadkii 2007da iyaga oo taageero dhanka ciidanka siinayay dowladdii Soomaaliya oo wajaheysan weeeraro uga imaanayay kooxaha ka soo horjeeday ee Al- Shabaab.

Codsiga Midowga Afrika ee Burundi looga codsaday in ay ciidanka dhimaan ayaa lagu sameeyay warqad diblumaasiyadeed loo gudbiyay dowladda Burundi.

Codsigaan ayaa imaanaya iyadoo oo meel xun uu marayo xiriirka Burundi iyo Midowga Afrika kaddib markii Midowga Afrika uu dhaliilay habdhaqanka Xukuumadda Burundi ee ku aaddan mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa yeelanaya saameyn dhaqaale oo dalka Burundi waxay waayi doontaa lacag gaareysa18 Milyan oo doollar oo ay ka hesho Midowga Afrika maadaama ay qayb ka tahay ciidanka nabad ilaalilnta midowga Afrika.

Dalalka Midowga Yurub oo maalgaliya hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa horay cuno qabateyn ugu soo rogay dowladda Burundi kaddib eedo la xiriira xuquuqda aadanaha iyo doorashadii dalkaas ka dhacday oo si weyn loo dhaliilay.

SHARE