Burcad badeedda Soomaalida oo weeraray markab ku sii jeeday K/Afrika

1207

Budhcad Badeed Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaadday Markab lagu Magacaabo MT Leopard Sun, oo  ku gooshayay Calanka Dalka Singabuur, kaasoo kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan kuna sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika.

War Saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad badeed Soomaali ah ay Rasaas is weydaarsadeen Muddo 20 Daqiiqo ah ilaalada Markabkaasi, kuwaas oo sitay Laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Wuxuuna Markabkani xilliga la weerarayay u siday Dalka Koofur Afrika Haamo Kiimiko ah, sida ay Jariiradda The Washington post daabacday.

Weerarkan oo Shalayto ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya, ayaanan geysan wax qasaara ah oo soo gaadhay Labada dhinac.

Xeebaha Dalka Soomaaliya ahaa Sanadihii ugu dambeeyay kasoo kabanayay dhaq-dhaqaaqyada Budhcad badeedda, waana weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca Biyaha Soomaaliya tan iyo Bishii November ee Sanadkii inna dhaafay.