Britain oo dalkeeda ka erisay 23 diblomaasiyiin Ruush ah

983
Ra'iisal Wasaaraha Britain Theresa May. Sawirka: Google

Ra’iisal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in maanta oo Arbaca ah ay  Britain dalkeeda ka eryayso 23 diblomaasiyiin Ruush ah kaddib markii dowladda Ruushku ay ku guul daraysatay in ay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta Kiimikada ah ee Ruushka lagu sameeyay ee loo yaqaan Nerve agent loo adeegsaday in lagu dilo basaas hore oo Ruush ah iyo gabadhiisa oo ku sugnaa magaalada Salisbury ee dalka Ingiriiska.

Tallaabadaan ayaa noqonaysa tiradii ugu badnayd ee Britain laga eryo tan iyo dagaalkii qaboobaa. R/Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in ay joojinayso dhamman xiriirada diblomaasiyadeed ee Ruushka iyo wafdi heerkoodu sareeyo oo Ruushka uga qeybgali lahaa furitaanka Ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkan dhacaya.

Britain ayaa Ruushka u qabtay 48 saacadood in ay uga jawaabto eedeynta loo jeediyay ee ku saabsan Sarkaalka basaaska ah iyo gabadhiisa lagu sumeeyay UK, balse Ruushka waa uu iska diiiday eedeynta Britain.

Britain waxa ay sheegtay sidoo kale in ay casuumaad ay horrey ugu fidisay in booqasho ku yimaad London Wasiirka arrimaah dibbada Ruushka Sergei Lavrov ay kala noqotay.

Ruushka ayaa beeniyay in ay wax lug ku leedahay isku dayga dil qaarajinta ah ee loo geystay Sarkaalka Ruushka ee Sergei Skripal iyo gabadhiisa.

Safaaradda Ruushka ee London ayaa ku tilmaantay eryida 23 diblomaasiyiin Ruush ah mid aan la aqbali karin oo aan laga fiirsan, cudurdaarna aan lahayn.

Xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxdhalatay Britain iyo Ruushka ayaa cir isku shareertay.

Waxa ay ka dambeysa markii 4-tii bishaan Maarso lagu sumeeyay magaalada Salisbury ee dalka Britain Sergie Skripal oo ahaa basaas hore oo Ruushka u dhashay iyo gabadhiisa Yulia, la qaadsiiyay sun kiimiko ah oo maskaxda hawlgab ka dhigta. Waxa ay hadda ku jiraan isbitaal, iyadoo xaaladooda cafimaad la la tacaalayo.