Brett Kavanaugh oo loo dhaariyay xaakimka Maxkamadda Sare ee Mareykanka

676
Brett Kavanaugh waxaa loo dhariyay inuu xaakim sare ka noqdo Maxkamadda Sare ee Mareykanka. Waxaa ansixintiisa ka dhashay dood badan kaddib markii madaxweyne Trump uu soo magaSawirka: Reuters

Brett Kavanaugh ayaa loo dhaariyay inuu ka noqdo xaakimka 114-aad  Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka kaddib markii Aqalka Senate-ka ay si dirqi ah ku meelmariyeen.

Ansixinta sabtidii ee xaakim Kavanaugh ayaa soo afjartay dagaal adga oo u dhexeeyay Jamhuuriga iyo Dimoquraadka intii uu socday hannaanka ansixinta Kavanaugh oo lagu eedeeyay falal anshaxumo galmo ah, eedeymahaasii uu beeniyay.

Aqalka Senatarada ayaa u coddeyay 50-48  iyadoo 50 mudane ay codkooda siiyeen Kavanaugh halka 48 Senatorna ay diideen.

Anxisinta Xaakim Brett Kavanaugh ayaa loo arkaa guul cad uu ka gaaray madaxweyne Donald Trump dadaaladiisa uu ku doonayo inu ku xoojiyo maxkamadda.

Ansixinta Brett Kavanaugh oo uu madaxweyne Trump Maxkamadda Sare u soo magacaabay ayaa dood badan ka dhexdhalisay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadka.

Brett Kavanaugh ayaa beddelaya Xaakim Anthony Kennedy,oo shaqada Maxkamadda ka fariistay horreentii sanadkaan.