Brazil: Wasiirka Caafimaadka oo Corona Fayras awgiis isku casilay

169
Wasiirka caafimaadka Brazil Nelson Teich ayaa is casilay Coronavirus awgiis. Waa wasiirkii labaad oo is casila. Sawirka: AP

Wasiirka Caafimaadka dalka Brazil ayaa is casilay wax ka yar bil uu hayay xilkaas kaddib markii ay dowladda isku qabteen qaabka ay u maamulayso faafitaanka sii kordhaya ee Corona Fayras ee dalka.

Nelson Teich ayaa dhaliilay wareegto uu soo saaray Madaxweyne Jair Bolsonaro taasi oo u ogolaanaysay goobaha lagu jimicsado kuwa la isku qurxiyo in dib loo furo.

Sikastaba, ma uusan sheegin wax sabab ah is casilaadiisa shir jaraa’id ee uu qabtay.

Wasiirkii ka horeeyey ayaa shaqada laga ceyriyay kadib markii ay is khilaafeen Mr Bolsonaro.

Madaxweynaha midigta fog wuxuu sii wadaa inuu ka hortago tallaabooyinka dalka bandoga lagu gelinayo.

Wuxuu ka soo qaaday wax aan sidaa u waynany fayraska isagoo ku tilmaamay “hargab yar” wuxuuna sheegay in faafitaanka Covid-19 uu yahay lama huraan, taasi oo sababtay dhaleecaynta adduunka ah.

Brazil ayaa ka saramartay dhawaan Jarmalka iyo Faransiiska marka la eego kiisaskooda coronavirus, oo noqotey mid ka mid ah meelaha dunida ee ay ka jiraan in ka badan 200,000 oo kiis. Tirooyinkii ugu dambeeyay ee maalinimadii Khamiista ayaa muujinaya 844 dhimasho oo cusub oo la diiwaan galiyay, taas oo tirada rasmiga ah ee dhimashada ka dhigaysa kaliya 14 kun ah.

SHARE