Boris Johnson oo noqday Ra’isulwasaaraha cusub ee UK

161

Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyaha cusub ee xisbiga muxaafidka  talaadada haya ee UK maanta ah iyadoo natiiyada la soo saaray ee codeynta xubnaha tageerayaasha xisbiga muxaafidka ah uu helay 66% tiradii guud ee codeysay.

Boris Johnson oo horay usoo noqday Duqii London iyo Wasiirkii arrimaha dibadda ayaa loo arkaa in uu waji doono culeyso kala duwan oo kaga iman doona wadaxajoodka dalka UK kula jiro midowga Yurub iyo sidoo kale barlamaanka UK oo ka soo horjeeda in UK ay ka baxdo midowga Yurub heshiis la’aan.

Doorasho adag uu la galay Boris Johnson ninka la tartamayay ee Jeremy Hunt ayuu uga dambeyn kaga guuleestay, waxa uuna helay Boris codad gaaraya 92,153 halka Jeremy Hunt uu isna helay 46,656 cod.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee yeelaneyso dowlada Britain ayaa la filayaa in xilkaasi loo dhaariyo beri marka la horgeeyo Boqorada UK, waxa uuna siyaasigan intii uu olalaha ku jiray sameeyay balan qaadyo badan oo loo riyaaqay.

Ra’iisul wasaarihii xilka bayensay ee Theresa May ayaa maanta si rasmi ah u baneysay xafiiska iyadoo gudoomisay

Sida uu Borotokoolku yahay, Johnson  waxaa uu marka hore tagi-doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham  si loo aqbalo kadib ayuu aadi-doonaa daarta ra’isul wasaaraha ee No 10.

Boris Johnson waxaa uu Soomaaliya yimid isaga oo ah wasiirka arrimaha dibadda bishii March 2017-kii, isaga oo la kulmay madaxda Soomaaliya.

SHARE