Boris Johnson oo ay u badan tahay in loo doorto R/ Wasaaraha UK

105

Boris Johnson ayaa la filayaa in loo doorto hogaamiyaha xisbiga muxaafidka ah ee dalka UK iyo Ra’iisul wasaaraha xiga Talaadada, taasi oo daba socoto inuu ka dhabeeyo hal ku dhigiisa ​​ah  “samay ama dhimo” sadex bilood gudahood ee ku wajahan qorshaha ka bixitaanka MidowgaYurub.

Johnson iyo ninka la tartamaya, oo ah Xoghayaha arrimaha Dibadda Jeremy Hunt, ayaa bishii la soo dhaafay olole xoogan u galay inay doonayaan inay ku guuleystaan ​​in ka badan 160,000 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Conservative Party kuwaasoo dooran doona hogaamiyaha cusub ee Britain.

Codbixinta ayaa xirmeysa 16:00 GMT waqtiga UK maalinta Isniinta waxaana natiijada la shaacin doonaa Talaadada. Musharaxa guuleysta ayaa si rasmi ah ula wareegi doona xilka Ra’iisul wasaare galabnimada Arbacada, iyadoo xilka kala wareegeysa Theresa May, oo iyadu hoos uga dhacday guuldaradeedii ka qabsatay in baarlamaanku ansixiyo heshiiskeeda ka bixitaanka Midowga Yurub.

Johnson, oo ah Duqii hore ee magaalada London oo iska casilay xilka wasiirka arrimaha dibadda sanad ka hor qorshihii ka bixitaanka Midowga Yurub ee May darteed, ayaa loo arkaa inuu yahay qofka ugu cadcad inuu beddelo iyada, iyadoo codbixinno dhowr ah ay mujiyeen boqolkiiba 70 inuu ku guulaysan doono.

Mr Johnson, Wuxuu dhaxli doonaa qalalaase siyaasadeed oo ku saabsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, oo hadda la filayo inuu dhaco Oktoobar 31-keeda.

SHARE