Boqorka Sacuudiga oo shir wayne ku baaqay 30-ka bisha May

720
Boqorka Sacuudiga boqor Salmaan ayaa ku dhawaaqay shir wayne degdeg ah oo hoggaamiyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ka qeybgalaya 30 ka bishaan May ee magaalada Mecca. Sawirka: AFP

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa ku baaqay shir wayne ay isugu imaanayaan dalalka Khaliijka iyo Hoggaamiyaasha dalalka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya magaalada Macca 30-ka bishaan May.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee (SPA) ayaa ku warisay in boqorka Sacuudiga boqor Salmaan uu ku caasumaay hoggaamiyaasha Khaliijka iyo dalalka Jaamacadda Carabta labo shir oo degdeg ah oo magaalada Mecca lagu qabanayo 30-ka bishaan May kuwaasi oo looga arrinsanayo “gardarada cawaaqibka ay ” Gobolka ku yeelan karto.

Toddoobaadkii hore ayaa weerarka loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay lala beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xiisada ayaa cirka isku shareertay gobolka Khaliijka, iyadoo Mareykanku uu geeyay maraakiib iyo diyaaraha wax duqeeya isagoo sheegay inuu ka hortagayo khatar Iran uga imaanaysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa sheegay in dalkiisa uusan doonayn inuu dagaal la galo Iran, lakiin ay diyaar u yihiin in ay danahooda difaacdaan.

Baaqa boqor Salmaan ayaa ku soo aadaya iyadoo shir waynaha 14aad ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka la filayo inuu Sacuudiga ka dhaco.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee (SPA) ayaa ku warisay in boqorka Sacuudiga boqor Salmaan uu ku caasumaay hoggaamiyaasha Khaliijka iyo dalalka Jaamacadda Carabta labo shir oo degdeg ah oo magaalada Mecca lagu qabanayo 30-ka bishaan May kuwaasi oo looga arrinsanayo “gardarada cawaaqibka ay ” Gobolka ku yeelan karto.

Xiisada ayaa cirka isku shareertay gobolka Khaliijka, iyadoo Mareykanku uu geeyay maraakiib iyo diyaaraha wax duqeeya isagoo sheegay inuu ka hortagayo khatar Iran uga imaanaysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa sheegay in dalkiisa uusan doonayn inuu dagaal la galo Iran, lakiin ay diyaar u yihiin in ay danahooda difaacdaan.

Afar markab, oo ay ku jiraan laba booyad saliida qaada oo Sacuudigu leeyahay, ayaa ku khaasaaro ka soo gaartay weerarro qarsoodi ah oo dhacay Axadii hore degaanka Fujairah ee Imaaraadka, oo ku taala marinka muhiimka ah ee Khaliijka.

Dhacdadan ayaa waxaa soo daba socday diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo dagaalyahannada Huuthiyiin Yemen ay ku dhufteen saldhiga weyn Saliida ee Sacuudiga, taas oo bixisay khadad kale oo dhoofin ah haddii marinka Hormuz uu xirmo.