Boqorka Sacuudiga oo eryay Taliyaal Ciidan

962
Boqor Salmaan. Sawirka: Google

Boqorka dalka Sacuudi Carabiya ayaa xil ka qaadis Ku sameeyay taliyeyaasha sarsare ee ciidanka boqortooyada Sacuudiga, oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada Milateriga kaddib wareegto boqortooyo oo soo baxday xalay xili dambe.

Boqorka ayaa beddelay taliyeyaasha ciidamada cirka iyo kuwa dhulka.

Warkaan waxaa lagu daabacay wakaalladda wararka dalka Sacuudi Carabiya Saudi Press Agency (SPA), hase ahaatee wax Sabab ah Laguma sheegin xil ka qaadista taliyeyaasha.

Tallaabadan ayaa waxaa at imaanaysaa ayadoo dagaalka Sacuudi Carabiya at hogaanka u hayso ee ka socda dalka Yemen uu Ku dhow yahay inuu galo sanadkiisii 3-xaad.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo ah wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo is-baddalada dalka gilgilay.

Sanadkii hore Daraasiin dad ah oo caan ka ah dalka Sacuudi Carabiya oo ay ka mid yihiin qoyska reer boqor, wasiirro iyo maalqabeeno ayaa waxaa lagu xiray Hotelka caalamiga ah we Ritz-Carlton oo Ku yaala magaalada Riyadh ka dib howgal musuqmaasuqa lagula dagaalamayay oo dalka ka dhacay kaasi oo uu hogaaminayay Maxamed bin Salmaan.

Yaa soo galay yaase baxay?

Cabdul Raxmaan bin Saalax Al-bunyan ayaa laga qaaday xilka taliyaha ciidamada militariga, sida at Ku warantay wakaaladda wararka dalka Sacuudi Carabiya.

Tiro ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa la dalacsiiyay ayagoo buuxinaya xafiisyada taliyaasha shaqada laga eryay.

Silsilado magacaabis siyaasadeed ayaa sidoo kale la shaaciyay, oo ay ka mid tahay magacaabis dhif ah oo Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Shaqaalaha iyo hormarinta bulshada loo magacaabay gabadha la yirahdo Tamadar Bint Yuusuf Al-raxma.

Amiir Turk bin Talaal, ayaa loo magacaabay guddoomiye Ku xigeenka gobalka Koonfur Galbeed ee dalkaasi ku yaala ee Asir.

Amiir Turk bin Talaal, ayaa waxaa ay walaalo yihiin maalqabeenka caanka ah ee la yirahdo Amiir Waliid bin Talaal, waxaana uu ka mid ahaa mas’uuliyiin dhowaan loo xiray inay Ku kaceen falal wax is-daba marin iyo awood isticmaalid ah.