Maxkamadda gobolka Hargeysa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta shan sano oo xabsi ah ku xukuntay boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madow).
Boqor Buur Madow ayaa dhawaan Hargeysa lagu xiray kaddib markii uu degmada Carmo ee maamul goboleedka Puntland kaga qayb galay xaflad dhaqameed lagu caleemo saarayey beel-daajaha deegaankaasi.
Sida uu BBC-da u xaqiijiyay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Maxamed Aadan, boqor Buur Madow waxaa lagu helay saddex dambi oo kala ah:
- Jeedinta hadallo dhaaawac ku ah madax-bannaanida Somaliland oo uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday Puntland,
- Gaf ka dhan ah madaxweynaha Somaliland oo lagu eedeeyay inuu sheegay inuu wakiil uga ahaa munaasabaddaasi
- Iyo sidoo kale aflagaaddo iyo xaqiraad ka dhan ah maxkamadda oo sida la sheegay uu maanta garsoorihii maxkamadda dacwaddiisa dhageysanayay uu ku yiri “sheeg waa laguu soo dhiibay xukunka ee waxa la igu xukumaayo”.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo xukunkaasi ka hor la hadlay weriyaha BBC-da ee Hargeysa ayaa u sheegay in maanta ay tahay billowga maxkamadeyntiisa oo uu sugayo in maxkamadda ay muddeyso xilliga ay dhageysan doonto dacwadda ka dhanka ah isaga. Waxaan caddeyn sababta loo dadajiyay xukunka.
Dhanka kale, garyaqaan Barkhad Jaaamac Aare oo la sheegay in uu yahay qareenka difaacayay boqor Buur Madow ayaa BBC-da u beeniyay arrintaasi, wuxuuna sheegay in boqor Buur Madow uusan u wakiilan in uu dacwadaha loo haysta uu ka difaaco.
Xildhibaan Ibrahim Caraale Ruush, oo horay u damiintay boqorka isla markaana goobjoog u ahaa xukunka ayaa BBC-da u sheegay in waxa dhacay maanta ay tahay, waa sida uu hadalka u dhigaye, wax aan ku fiicnayn dowladnimada iyo madax-bannaanida garsoorka Somaliland, isla markaana aan loo ogolaan boqorka inuu is difaaco.
Bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2012 ayaa boqor Buur Madow waxa ay sidoo kale booliska Somaliland ka qabteen gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo xilligaasi ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumaddii Somaliland ee xilligaasi jirtay Cismaan Garaad Soofe oo BBC-da la hadlay ayaa boqor Buur Madow ku eedeeyay inuu dibadda ka waday falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada, kana soo horjeeda qarannimada Somaliland.
BBC