Boqolaal dad ah oo lagu xiray dalka Belarus

569
Boqolaal dad ah oo lagu xiray dalka Belarus. BBC

Booliiska dalka Belarus ayaa caasimadda Minsk iyo meelo kale ku xiray dad gaaraya boqolaal xilli dalkaas uu ka socdo dibadbax looga soo horjeedo xukunka Madaxweyne Lukashenko oo galay toddobaadkii afaraad.

Kumanaan dadweyne ah ayaa iska indho tiray ciidan xooggan oo lagu soo daadiyay waddooyinka. Booliiska ayaa dadweynaha uga horyimid meel ku dhow qasriga Madaxtooyada waxa ay ku rideen sunta dadka ka ilmeysiisa iyaga oo sidoo kale wata budad.

Dadweynaha dalkaas ayaa dalbanaya in Madaxweynaha waqtiga dheer uu xukunka banneeyo. Lukashenko ayaa dalkaaas xukumayay tan iyo sanadkii 1994-tii.

Ilaa hadda afar qof ayaa dhimatay iyada oo boqolaal kalena ay soo gaareen dhaawacyo. Xubno badan oo ka tirsan mucaaradka ayaa dibadda u baxsaday iyaga oo ka cabsanaya in la xiro.