Boqalal qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacday Indonesia

655
Dhulgariirka Indonesia waxa ku dhintay ugu yaraan 1,243 qof. Sawirka: Aljazeera

Ugu yaraan 400 qofka ayaa ku dhintay dhulgariir Xooggan oo ku dhuftay bartamaha Indonesia ee jasiirada Sulawesi.

Hey’ada Masiibooyinka Qaranka Indonesia ayaa sheegtay in  384 ay ku dhinteen Sunaami ka dhashay dhulgariirka, iyadoo ka digtay in tirana dhimashada ay intaasi ka badan karto.

Hey’ada  Masiibooyinka Qaranka waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ka walwalsan tahay boqolal dad ah oo la’yahay kuwaasi oo ka agdhawaa xeebaha markii dhulgariirka sunaamiga wataa uu dhacay.

Isbitaalada ayaa waxa buux dhaafiyay qulqulka  dhawaaca dadka wax ku noqday dhulgariirka iyadoo dad badan lagu daawanayo bannaanada isbitaalada.

Sunami ka dhashay dhulgariirka oo cabirkiisu yahay 7.5 ayaa dhulka dhigay dhismayaal ganacsi iyo guryo la degan yahay iyadoo sidoo kalena korontudu go’day.