Booqo dhibbanayaasha Fatahaadaha, Mudane Madaxweyne – UM

904

Muqdisho (UM) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la kulmay toddobaadkaan guddiga uu magacaabay Ra`iisul wasaare kheyre ee isku xirka dadaalada gargaarka fatahaadaha ee magaalada Baledweyne , halkaas oo ay ku naf waayen dad badan, halka qaarna la la’yahay, iyada oo tiro badanna ay ku waayeen hantidooda.

Madaxweyne ayaa sida caadada u ahayd  ka codsaday guddiga iyo dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan  caawinta dadka fatahaaduhu saameeyeen. Taas waa tallaabo fiican, laakiin in aad fadhido oo baaq dirto kaliya ma ahan mid ku filan Mudane Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo waa in uu Baledweyne tagaa oo la kulmaa dhibanayaasha, sidoo kalena qiimeyaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka fatahaaddu ka dhacday, si shakhsi ahna u hoggaamiyaa dadaalada gargaarka. In uu fadhiyo Villa Soomaaliya oo sida caadiga ah waqti ku lumiyo la kulanka Xildhibaano iyo siyaasiyiin ma ahan waxa ay ka filayaan dadka Soomaaliyeed, Waa in uu hoggaamin muujiyaa xilligaan xaaladaha adag  iyo quusta.

Madaxweyne Farmaajo waa ku faraxsanyahay in uu dibadda u tago shirarka qaar oo aan wax micno ah u lahayn dalka Soomaaliya, laakiin waa uu ka  daahayaa u istaagidda wax ka qabashada iyo wajahidda markii ay xaaladdu dalka ka jiraan. Madaxweynaha ama waa ka gaabsaday ama waxa uu uga leexday Ra`iisul wasaaraha markii loo baahnaa hoggaamintiisa.

Madaxweynaha waa in uu  xusuusnaada in mudnaanta koowaad ay leeyiiihin dadkiisa iyo dalkiisa. Haddii uu taas maanka ku hayo waa in uu tagaa oo booqda  Baledweyne lana kulmaa dhibanayaasha fatahaadda. Suurogal ma ahan in uu kaliya Telefeshinka ka daawado dhibaatadaan oo guddiga kaliya u daayo. Guddigu waxay u baahanyihiin hogaamin iyo dhiirigalin waana in Madaxweynuhu taas u istaagaa oo ka soo dhalaalaa.

Dadka Baledweyne waxaa gaaray dhibaato weyn oo waxay waayeen noloshoodii, qarabaadoodi, ganacsiyadii iyo guryahooda, haddana waa hooy iyo guryo la’aan. Magaalada waxaa baabi`ayay fatahaado haddii ay dowladda hoose si fiican u maareeyn lahayd laga hortagi lahaa. Xildhibaannada maamulka Hirshabelle waxay iska deganyihiin hoteelada Muqdisho iyaga oo aan wax dan ah ka lahayn waxa dhacaya.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka labada waxay u muuqdaan kuwa lagu kadiyay oo hadda bilaabay in ay ordaan oo wax qabtaan. Sida uu UM u sheegay qof ka mid ah dadka reer Baledweyne waxay mar kasta dhibbane u yihiin fatahaad ama abaar dhacda xilli kasta.

Marka dhinac la iska dhigo fashilka  u diyaargarow la’aanta fatahaadda, Madaxaweynuhu waa in uu la wareegaa hoggaanka dadaalada socda uuna ka hoggaamiya magaalada Baledweyne. Waa in uu xafiis ka sameytaa Baledweyne ilaa iyo inta la xakameynayo musiibadaan. Baledweyne waa in ay noqotaa Madaxtooyada cusub ee Soomaaliya.

Marka ay dadka Soomaaliyeed Madaxweynahooda u baahanyihiin waa in uusan noqon mid maqan. Waa in uusan waqti ku lumin kulamo uu masuuliyaddiisa dad kale ugu xilsaarayo. Joogitaanka Madaxaweynaha ee Baledweyne waxa ay kaabi doontaa dadaalada iyada oo horseedi doontaa dhaqaale iyo taageero caalami ah. Sidoo kale waxay dadka Soomaaliyeed tusinee in Madaxweynahoodu u damqanayo. Taasina waa mid muhiim ah.

Madaxweyne Baledweyne tag oo  hoggaami dadaalada badbaadinta dadka fatahaaddu saameysay. Dadkaagu markaan ayay kuugu baahi badanyihiin mudane.