Booliska Muqdisho: Dad ayaan u soo qabanay qaraxyadii laga geystay magaalada Muqdisho

827

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo ka hadlayay qaraxyadii shalay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo soo qabtay tiro dad ah.

Qaasim Axmed Rooble ayaa tilmaamay in qaraxyadaasi oo gaarayay labo, laguna soo xiray Gawaari loo soo qabtay illaa laba nin oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahayeen qaraxyadaasi.

Waxaana Afhayeenku intaasi uu ku daray in si de deg ah cadaaladda loo hor keeni doono shaqsiyadka looga shakinsanyahay ku luglahaanshiyaha falalkaasi.

Mudooyinkan dambe waxaa magaaladda Muqdisho ku soo badanaya falalka qaraxyada gawaarida lagu xiro kuwaas oo galaaftay nolosha dad fara badan.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.