Booliiska Soomaaliya oo xaqiijiyay in ay xireen Wasiirka amniga Jubbaland

575

Muqdisho – Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in ay xireen Cabdirashiid Xassan Cabdinuur “Janan”, wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa shalay lagu xiray garoonka diyaaraha Muqdisho isaga oo doonayay inuu diyaaraad kale ka raaco.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska Soomaaliya ay shalay soo xireen Cabdirashiid Janan kaasi oo ku eedaysan dambiyo culus sida ay sheegtay.
“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska”. Ayay ku tiri qoraal ay barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay Taliye ku xigeenka.

Maamulka Jubbaland ayaa war qoraal oo ka soo baxay saaka waxaa dowladda Federaalka ugu baaqday in xorriyadiisa loo soo celiyo Cabdirashiid Janan oo ay sheegtay Jubbaland in fal aduub ah loogu geystay Muqdisho.