Booliiska Maraykanka oo toogasho ku dilay nin Soomaali ah

184

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in ay toogteen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninkaasi ay ciidamada Ammaanka ay isku dhaceen ka dibna ay toogteen, waxaana  magaciisa lagu sheegay  Xuseen Xasan.

Ninkan Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in mudo uu Ku noolaa gobalka Washington, ee dalka Maraykanka.

Soomaalida Ku nool dalka Maraykanka ayaa qaarkood Ku waramay in ninka la toogtay xoogaa madaxa looga jiray.

Booliiska Maraykanka, ayaa sheegay in askariga toogashada ka dambeeyay ay gacanta Ku dhigeen islamarkaana ay baaritaan Ku wadaan.

SHARE