Booliska magaalada London ayaa sheegay inay aas-aasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange ku xidheen safaaradda Ecuador ee magaaladaas.
Booliska ayaa sheegay in lagu xidhay amar maxkamadeed oo lasoo saaray sanaddii 2012-kii.
Bayaan ay soo saareen ayay booliska ku sheegeen in Assange oo la kaxeeyey xarunta booliska magaalada London, halkaasi oo uu joogi doono ka hor inta aan la horkeenin maxkamadda Westminster Magistrates, sida ugu dhaqsiyaha badan.
Julian Assange ayaa mudo todobo sano ah magan galyo ahaan ugu dhax noolaa dhismaha safaarada Ecuador ee magaalada London halkaas uu galay xili la doonayay in lasoo xiro.
Assange ayaa Mareykanka looga haystaa inuu daabacay kumanaan dokumenti oo ah sirta milatari iyo diblomaasiyeed ee Mareykanka.
Dowlada Sweden ayaa sidoo kale ku eedeeysay Julian Assange dacwad la xariira kufsi iyo dambiyo kale, waxaana ninkan uu dunida caan ka noqday kadib markii barta uu aas aasay ee Wikileaks faafisay siro badan oo u qarsoono doono waa weyn.
Xadhigiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladda Ecuador ay kala laabtay magan-galyadii ay siineysay.
Madaxweyne Ecuador, Lenin Moreno ayaa sheegay in Britain ay u damaanad qaaday in Assange aan loo masaafurin doonin dalalka fuliya xukunada dilka ah.
Source: RT