Booliiska dalka Belgium-ka ayaa dilay gabar yar oo qaxooti ah oo reerkeeda kasoo cararay dalka Ciraaq magan-galyana u gaaray dalkaasi Belgium-ka.
Gabadha yar ee booliiska ay dileen ayaa ahayd gabar labo sano jir ah oo ka soo jeeday Kurdiyiinta reer Ciraaq.
Booliiska dalka Belgium ka ayaa gabadhan dilay xili ay bursanayeen gaari looga shaki qabay inuu siday muhaajiriin sharci daro ah ayagoo xabado/ Rasaastii ay fureena ay haleeshay gabadhaasi yarayd.
Qoyska gabadha dhalay ayaa dowladda Belgium-ka ka dalbaday inay siiso caddaaladda ay mudan yihiin.
Dowladda ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay baarayso.
Dowladda Ciraaq ayaa dhiggeeda Belgium ka ugu baaqday inay caddaaladda hor keento askarta dishay gabadha 2 jirka ahayd ee dalka Ciraaq u dhalatay.