Booliska magaalada Baydhabo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamulka goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si ku meel gaar ah uga mamnuucay magaalada Baydhabo gaadiidka Bajaajta .
Taliyaha saldhigga booliiska Baydhabo korneyl Mukhtaar Maxamed Dugudoow ayaa warbaahinta u sheegay in laga bilaabo 8da bisha Agoosto ilaa iyo 10ka Agoosto ay ka mamnuuceen magaalada Baydhabo in ay dhexmaraan mootooyinka labo lugoleeyda ah iyo saddax lugooleeydo sababo la xiriira xogo amni oo ay heleen laamaha amniga oo muujineysa weeraro loo adeegsday mootooyinka fudud oo lagu qaado magaalada Baydhabo.
Taliyaha ayaa sheegay in ammaanka magaalada darteed loo hakiyay gaadiidka bajaajyada oo si weyn ay u adeegsadaan dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa marar hore ka dhacay falal amni darro oo sababy khasaaro soo gaara dadka ku dhaqan.
Amarkaan ayaan la ogeyn inta uu sii socon doono maadaama dadka magaalada ku dhaqan ay si weyn u isticmaalaan gaadiidka fudud ee bajaajta.