Biden oo Trump ku eedeeyay tagrifal awoodeed

93
Biden oo Trump ku eedeeyay tagrifal awoodeed. ( Sawirka): Reuters

Musharaxa madaxweynenimada Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga ah Joe Biden ayaa Madaxwyene Trump ku eedeeyay in uu ku kacayo ku tagrifal awoodeed isaga oo  doonaya in uu magacaabo garsoorihii bedeli lahaa Ruth Ginsburg oo ahayd garsoore maxkamadda sare oo dhawaan geeriyootay.

Trump ayaa sheegay in uu toddobaadka soo socda magacaabi doono haweeneey kale oo beddeli doonta garsoore Ruth Ginsburg oo u janjeertay dhanka furfurnaanta iyo liberaalnimada.

Joe Biden ayaa xubnaha Aqalka Sare ee xisbiga Jamhuuriga ku booriyay inay dib u dhigaan codka ay ku aqbalayaan haweeneyda Trump qorsheynayo in uu magacaabo.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka cabsi qaba in xisbiga Jamhuuriga ay halkii ka sii waddaan tobanaan sano oo ay ku xooganayeen maxkamadda Sare haddii la ansxiyo haweeneyda Trump magacaabayo.

Isku dheelitirnaanka sagaalka xubnood ee maxkamadda sare ee Mareykanka ee xisbiyada ayaa muhiim u ah dhammaan arrimaha muhiimka ah ee Mareykanka.

SHARE