Biden oo Ron Klain u magacaabay Agaasimaha Guud ee Aqalka Cad

279
Biden oo Ron Klain u magacaabay Agaasimaha Guud ee Aqalka Cad. Reuters

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Ron Klain inuu noqdo Agaasimihiisa Aqalka Cad.

Mr Klain wuxuu kaaliye sare u soo ahaa Mr Biden ilaa 1980-yadii markii uu Aqalka Senate-ka ku jiray iyo markii uu madaxweyne ku xigeenka ahaaba.

Mr Klain oo ah nin rug cadaa ah ayaa sidoo kale taliye sare u soo noqday Madaxweyne Barack Obama iyo Agaasimaha Guud ee Aqalka Cad Madaxweyne kuxigeenkii hore Al Gore.

Mr. Ron Klein ayaa ah nin aad ugu dhaw Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden waxa uuna si dhaw ula soo shaqeeyay xilliyo kala duwan.

Mr Biden ayaa qoraal uu soo saaray ku amaanay Mr Klain.

“Khibraddiisa qotada dheer, kala duwanaanta iyo awooda uu u leeyahay inuu la shaqeeyo dadka dhamaan qeybaha kala duwan ee siyaasada, ayuu yiri Mr Biden, “waa sida saxda ah waxa aan ugu baahanahay Agaasimaha Guud ee Aqalka Cad madaama aan wajaheyno xilligan dhibaato adag, dalkeena aan dib isugu soo dhaweynayno.

Mr Klain ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Biden magacaabistiisa ” Waan ku faraxsanahay” kalsoonida madaxweynaha la doortay uu i siiyay.

“Waxaan rajeynayaa inaan ka caawiyo isaga iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay inay soo dhisaan koox tayo leh oo kala duwan si ay uga shaqeeyaan Aqalka Cad, maaddaama aan wax ka qabaneyno qorshayaashooda hamiga badan ee isbeddelka, oo aan dooneyno inaan ku bogsiino kala-qaybsanaanta ka jirta dalkeenna,” ayuu yiri Mr Klain.

Mr. Ron ayaa sidoo kale soo noqday isuduwaha Aqalka Cad ee ka horta cudurkii Ebola waqtigii Madaxweyne Barak Obama.

Agaasimaha Guud ee Aqalka Cad – oo maareeya jadwalka maalinlaha ah ee madaxweynaha oo inta badan lagu tilmaamo inuu yahay qofka ugu dhaw shaqadiisa ee maamula – waa magacaabis siyaasadeed oo aan u baahnayn xaqiijinta ama ansixinta Aqalka Senate-ka.

SHARE