Biden oo loo dhaariyay Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka

240

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Kamala Harris ayaa loo dhaariyey madaxweyne ku-xigeen, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay, iyo qof ugu horreeyay oo madow ah, ee u qabata hoggaanka labaad ee dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka tagay Aqalka Cad markii ugu dambeysay mudada xileedkiisa, oo ku eg kayd 12-ka duhurnimo waqtiga Mareykanka), wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay muddo ka badan 150 sano oo aan ka qeybgalin caleemo-saarka dhaqanka ah.

Tirada dadkii xafladda ka qeyb galayay ayaa aad u xadidneyd maadaama caasimada, Washington, DC, ay xirneyd sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah oo ay keeneen rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Mareykanka bishii Janaayo 6.

Trump waxaa lagu eedeeyay “kicinta kacdoonka” doorkiisa uu ku lahaa kacdoonkii Capitol ee Aqalka Kongareeska, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyey taariikhda Mareykanka ee labo jeer xilka laga qaado.

Madaxweyne Biden oo u khudbad u jeediyay Qaranka ayaa sheegay inuu saacadaha ugu horreeyo saxiixi doono amar jabaniya amaradii Trump uu horey u saxiixay.

Madaxweyne Biden ayaa saxiixi doono dib uga biirada Mareykanka ee heshiis Cimilada Paris, qaadida Xayiradii dalalka Muslimiinta Trump ku soo rogay, wax ka qabashada xanuunka safmarka ah ee Corona Fayras.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in maamulkiisa cusub uu xoogga saari doono wax ka qabashada cudurka Corona Fayras oo ay u dhintay in ka badan 400 kun gudaha Mareykanka kaliya.

SHARE