Biden iyo Putin oo khadka telefoonka kuwa hadlay markii ugu horreysay

679

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin inuu faragalin ku sameeyo doorashada wadahalkoodii ugu horeeyey ee ay wada yeesheen, Aqalka Cad ayaa yiri.

Wadahadalka waxaa kujiray dood ku saabsan mudaharaadyada mucaaradka ee ka socda Ruushka iyo cusboonaysiinta heshiiskii hubka nukliyeerka ee u dambeeyay ee Mareykanka iyo Ruushka.

Mr Putin ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Mareykanka guushii doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ruushka.

Labada dhinacba waxay sheegeen in ay isku raaceen in lasii wado sidii xiriirka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mararka qaar hoos u dhigayay mowqifka adag ee maamulkiisa ee Ruushka waxaana dadka qaar ku eedeeyeen inuu aad ugu xaglinayay Mr Putin.

Laakiin madaxweynihii hore Barack Obama – oo uu Mr Biden ka hoos shaqeeyey madaxweyne ku xigeen u ahaa- ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyey inuu ku guuldareystay inuu waxka qabto Kremlin-ka markii ay la wareegaysay Gobolka Crimea, oo ay ku soo duushay bariga Ukraine sidoo kalena ay ku soo duushay Suuriya.

“Madaxweyne Biden wuxuu cadeeyay in Mareykanku uu si adag u difaaci doono danaha qarankiisa isagoo ka jawaabaya talaabooyinka Russia ee waxyeeleynaya anaga ama xulafadeena,” Aqalka Cad ayaa lagu yiri bayaan kooban, oo tixraacaya meelaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo wadahalkii galabnimadii Talaadada laakiin lagama bixin faahfaahin dheeraad ah.

Mareykanku wuxuu sheegay in labada madaxwe<span;>yne ay sidoo kale ka wada hadleen weerarkii weynaa ee internetka ee SolarWinds, oo lagu eedeeyay Moscow; waxay sheegaysaa in Kremlin-ka uu lacago dul dhigay askarta Mareykanka ee ku sugan Afghanistan; iyo sumeyntii u ololeeyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.