
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo Agaasimihii hore ee FBI James Comey ayaa ku jira liiska saraakiil sarsare oo Mareykan ah kuwaa oo isku dayay in ay kashifaan heybta baaraha dacwadda ku saabsaneyd faragalinta Ruushka ee doorashadii sanadkii 2016 ka dhacday Mareykanka.
Sidaas waxaa laga soo xigtay warbixin uu soo saaray ku simaha agaasimaha Hey’adda sirdoonka Qaranka Marrykanka Richard Grenell.
Warbixintaan lama filaanka ah oo Telefishinka Fox uu tabiyay galabtii Arbacada ayaa Richard Grenell ku simaha Agaasinka Hey’adda sirdoonka qaranka Mareykanka waxa uu u gudbiyay xubnaha Aqalka Senetka ee xisbiga Jamhuuiriga oo doonaya in ay baaraan halka uu ka bilowday baaritaankii Hey’adda FBI-da ee faragalintii Ruushka ee doorashadii 2016ka.
Hoggaanadii hore ee sirdoonka ee kala ah John Brennen, James Clapper iyo 23 kale oo sarkaal kuwaas ka tirsanaa maamulkii Madaxweyne Obama ayaa lagu sheegay warbixinta in ay kashifaan ama bannaanka keenaan cidda hoggaamineysa baaritaanka faragalintii Ruushka inta lagu guda jiray waqtigii kala guurka madaxnimada Mareykanka.
Waxa kale oo iyagana lagu magacdhabay safiirkii hore ee Mareykanka u fadhisay Qaramada Midoobay Samantha Power iyo Agaasimihii hore ee Aqalka Cad Deniss Mcdonough. Sagaal magac oo kale ayaa laga saaray liiska sababo la xiriira amniga qaranka.
Joe Biden Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka oo u tartamaya Madaxweynenimada Mareykanka ayaa wajahaya olole adag oo uga imaanaya Madaxweyne Trump. Biden ayaa beeniyay in uu wax ka ogyahay arrimahaan.
Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay dhawr qoraal oo hoosta ay kala socoto hal ku dhig cusub oo ku tilmaamayo in fadeexad la mid ah tii Watergate ee Madaxweyne Richard Nixon ay bannaanka imaan doonto. Trump ayaa halku dhigaas u doortay ” Obama gate”.