Baxreyn oo oggolaaneysa duulimaadyada Imaaraadka iyo Israel in ay maraan hawadeeda

78
Kushner (Bidix) oo ah la taliyaha madaxweyne Trump iyo Boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa (Midig) oo kulmay magaalada Manama horreentii toddobaadkaan [Bahrain News Agency/Reuters]

Boqortoiyada Baxreyn ayaa sheegtay in dhammaan duulimaadyada ka tagaya ama ka imaanaya Imaaraadka Carabta ay ka gudbi karaan hawadeeda, tallaabadaas oo u oggolaan doonta adeegyada hawada ee u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka in ay dul maraan boqortooyada.

Go’aanka Khamiistii, oo ay hey’adda duulista boqortooyada Baxreyn sheegtay inay ku timid codsi ka yimid Imaaraadka, wuxuu daba socdaa heshiis bishii la soo dhaafay oo sheegayay Imaaraadku inuu noqdo waddankii saddexaad ee Carbeed ee heshiis la gala Israail oo ku saabsan hagaajinta xiriirka.

Heshiiskan uu Mareykanku garwadeenka ka ahaa, oo soo gabagabeeyay sanado xiriir la’aan ah oo udhaxeeya labada dal ee dhanka ganacsiga iyo tikniyoolajiyadda, ayay Falastiiniyiintu cambaareeyeen iyagoo ku tilmaamay inuu khiyaanay qaddiyadooda taasi oo ku kacay dal weyn oo Carab ah, halka ay weli ka maqan yihiin dowlad u gaar ah Falastiiniyiinta.

“Baxrayn waxay u oggolaan doontaa dhammaan duulimaadyada imanaya iyo kuwa ka tagaya Imaaraadka Carabta ee tagaya dhammaan waddammada inay ka gudbaan hawadeeda,” ayaa lagu yiri wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Bahrain, iyada oo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta.

Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa bishii la soo dhaafay ee Ogoosto kala saxiixday heshiis uu garwadeen ka ahaa Mareykanka kaas oo ujeeddasuu ahayd sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada dal.

Falastiiniyiinta ayaa heshiiska ku tilmaamay khiyaano dhabarka midi looga gelinayo Falastiiniyiinta.

Heshiiska Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa waxaa horrey uga soo horjeestay dalalka Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga iyagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta.

SHARE