Baxreyn iyo Israa’iil oo xiriir cusub samaystay

56
Kushner (Bidix) oo ah la taliyaha madaxweyne Trump iyo Boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa (Midig) oo kulmay magaalada Manama horreentii toddobaadkaan [Bahrain News Agency/Reuters]

Israel iyo gobolka Gacanka ee Baxrayn waxay gaareen heshiis taariikhi ah oo si buuxda xiriirkooda u caadiyeeynaya, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku yiri “Dalkii labaad ee Carbeed oo heshiis la sameeya Israel muddo 30 maalmood gudahood”.

Muddo tobanaan sano, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay aasaasi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib marka la xaliyo khilaafkii Falastiin.

Laakiin bishii la soo dhaafay Imaaraatka Carabta (UAE) waxay oggolaadeen inay caadi ka dhigaan xiriirkooda Israel.

In badan baa la isla dhexmaraayey in Baxrayn laga yaabo inay raacdo wadda Imaaraadka.

Mr Trump, oo soo bandhigay qorshihiisa nabadeed ee Bariga Dhexe bishii Janaayo ee looga gol lahaa in lagu xaliyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, wuxuu gacan ka gaystay in la labada dal heshiis garaan.

Baxrayn waa waddanka afraad ee Carbeed ee Bariga Dhexe ku yaalla – kadib Imaaraadka, Masar iyo Urdun – in la aqoonsado Israel tan iyo markii la aasaasay 1948.

Boqortooyada Baxreyn waxa ay horrey ugu fasaxday in ay ka gudbaan hawadeeda duullimaadyada caalamiga ah ee ka tagaya kana soo degaya Imaaraadka Carabta- Israel.

SHARE