Basaaskaan oo lagu magacaabo Sergei Skripal horayna uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ayaa la arkay isaga iyo gabadhiisa la socotay oo istaaga ka dhacay.Waxaa loo maleynayaa in lagu buufiyay sun kiimiko ah sida si hordhac ay u sheegeen baarayaasha falkaan.
Sergei waxa uu horay sir badan uga gatay heyada sirdoonka Ingiriiska MI6. Taas oo keentay in muddo 13 sanno lagu xiro Ruushka, isaga oo markii danbena lagu sii daayay maxaabiis isweydaarsi u dhaxeeyay sirdoonada galbeedka iyo Ruushka.
Dawladda Britain ayaa farta ku fiiqday waddanka Ruushka, wallow Ruushku uu taa beeniyay.Xoghaya arrimaha dibadda Britain Boris Johnson ayaa sheegay in dhacdadaan ay soo xasuusineyso Alexander Litvenko oo isna ahaa basaas hore oo Ruush ahaa oo la sumeeyay 2006dii.
Sergei iyo gabadhiisa ayaa wali xaaladooda aad u liidataaa ,iyaga oo wali ku jira isbitaalka.Xaaskiisa , walaalkiis ka weyn iyo wiilkiisa ayaa dhintay iyada oon la ogeyn sababta ka danbeysa.
Dhacdadaan ayaa xiisad ka dhex abuurtay waddamada Britain iyo Ruushka , iyada oo Britain ay sheegtay in ay tillaabo ka qaadi doonto, halka Ruushka ku tilmaamtay olole lagu magac dilayo Ruushka.