Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xildhibaannadda ayaa ka dooday wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta Maaliyadda guud ee PFM-ka.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha ayaa u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay
Sharciga Maareynta Maaliyadda ayaa waxaa horey u meelmariyay Xildhibaannadda Golaha Aqalk Sare.
Waxa loo gudbiyay Madaxweeynaha si uu u saxiixo, sidoo kalena faafinta rasmiga ahna loogu so saaro.